
Sheekoxariiroo-
yinkii Saxaaraha
Sheekooyin ka yimid dhulka Soomaalida
Oscar Trimbel
Publicerad: 2015
Pris: 150 kr
Genre: Barn & Ungdom
Språk: somali
Sidantal: 40
Format: 194x255 mm
Utförande: mjukpärm
ISBN: 978-91-637-8901-4
Beställningsadress:
Författares Bokmaskin
info@bokmaskinen.se
Box 12071
102 22 Stockholm
Telefon: 08-653 58 80, 08-785 03 85
Saaxiibbadaydii Soomaaliya. Sheekooyinkaas waxaan u turjumay af Iswidish, sawiiradana aniga Oscar ah ayaa u sameeyey. Sheekooyinkani waxa ku sheekaysta oo iskaga warrama dadka reer guuraaga ah ee xoolo raacatada ah. Sheekooyinkani waa kuwo la kala dhaxlay oo ay waayeelku uga sheekeeyaan carruurta fiidkii ama habeenkii, kuwaas oo ay iyaguna ka maqleen waalidkood.
Soomaaliya aad bay isu beddeshay sannadahan ugu danbeeyey. Waxaana ka dhacay dagaallo iyo abaaro waaweyn. Qoysaskii waxa ay ka qaxeen dhulkoodii markii dagaallo ka dhaceen. Waa la kala lumay oo dhallinyaradii waxa ay noqdeen askar ama dagaalyahanno beeleedyo. Xoolihii dadku dhaqan jirayna wey yaraadeen.
Sheekooyinkii weli wey noolyihiin oo meel ay Soomaaliyi joogtaba waa lagaga sheekaystaa marka ay hawl maalmeedku dhammaato. Sheekooyinkaasi markaa waxa ay illowsiiyaan dhibtii la soo maray, waxana ay xusuusiyaan xilliyadii barwaaqada iyo raaxada.
Oskar waxa uu degenaa oo uu ka shaqeyn jiray Soomaaliya in muddo ah. Waxana uu ahaa hoggaamiye dhanka farshaxanka ah oo joogay xeryihii qaxootiga. Waxa uu ka mid ahaa ururkii farshaxanka ee muqdisho. Waxana uu sameeyey sawirro badan oo magaalada ah. Muddadii uu Oskar ku wareegayey dhulka Soomaalida waxa uu maqlay sheekooyin badan. Intaa kaddibna wuu qoray oo wuxuu u turjumay af Iswiidhish. Intaa waxa uu ku daray sida ay Soomaalidu u shaqeysato iyo farshaxnkooda.
artist.oscar.@comhem.se